Somali News

Kheyre oo la kulmay Baarlamaanka Kenya, Sawirro

Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan kula qaatay Magaalada Nairobi xildhibaanno iyo senetarro ka mid ah baarlamaanka Kenya.

Qoraal lagu daabacay Bogga Facebook ee Xasan Cali Kheyre ayaa u dhignaa.

Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya.

Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin.

Horay waxaan wadatashiyo dhaxal gal ah ula yeeshay Shacabka Soomaaliyeed ee aan caasimadda dalka kula kulmay iyo madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

Back to top button