Somali News

Kheyre oo saddex bil kaddib dalka ka dhoofay

Ra’isalwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhoofay Garoonka Adan Cadde ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa safarkiisi ugu horeeyay dalka uga baxay maanta tan iyo markii xilka laga qaaday bishii July.

Khayre oo bishii hore ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta u dhoofay dalka Jabuuti.

Sidoo kale Safarka Khayre ee maanta ayaa kusoo aadaya iyadoo isla maanta uu safarkiisii ugu horeeyay dalka uga baxayo Ra’iisul Wasaarihii lagu badelay Maxamed Xuseen Rooble oo isna Safarkiisi u horeeyay tan iyo markii la doortay ku tagaya dalka Kuwait.

 

Back to top button