Somali News

Khilaaf ka taagan magacaabista wasiirrada iyo muddo kororsi la isku heysto

Halkee ayay mareysaa soo magacaabista golaha waaiirada xukuumada Rooble?

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda wadtashiyo looga arinsanayo soo saarista liiska golaha wasiirada kamid noqonaya xukuumada waqtigeedu gababsiga yahay ee Ra’isal Wasaare Rooble.

Labo qodob ayaa la sheegayaa iney sabab u u tahay dib u dhaca ku yimid magacaabista golaha xukuumada. Midka kowaad ayaa ah iney jiraan In la is-waafajin la’yahay liisas kala duwan oo ay kala wataan gudoonka Barlamanka ‘Mursal iyo Muudeey”, Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Halka qodobka kale uu yahay barnaamijka xukuumada cusub oo Villa Soomaaliya dooneyso in Barlamanka ansaxiyo in laga dhigo muddo sideed bilood ah halka gudoonka Barlamanka diidan yahay.

Gudoomiye Mursal ayaa qaba in talaabadaas u ekaaneyso muddo kororsi khilaafeysa heshiiskii siyaasadeed ee laga gaarey xiliga la qabanayo doorashada Soomaaliya.

Guddoonka Barlamanka ayaa ku canantey Villa Somalia in qorshahaas horey loogu howlgaliyey aqalka hoose balse uu fashilmey kadib markii Villa Somalia ka baaqsatey soo bandhigidiisa.

Warar ayaa sheegaya in Gudoonka Barlamanka iyo Villa Somalia xiligii xilka laga xayuubinayey Khayre balantu aheyd in muddo kororsi labo sano ah la sameeyo balse Farmaajo ka baaqsadey kadib markii cadaadis xoogan kaga yimi madaxda maamulada, mucaaradka iyo beesha caalamka.

Back to top button