Somali News

Khilaaf u dhaxeeya AMISOM iyo Maamulka Buula Burte oo ka taagan halkaasi

Wararka ka imanaya Magaalada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Isfaham waa soo kala dhexgalay mamulka Magaalada iyo Ciidanka Jabuuti uu sababay cabsi dagaal oo halkaas ka jirta.

Xiisad Dagaal ayaa Saaka katagan Degmada Buulo burde ee Gobolka Hiiraan kadib Markii Shalay Gudoomiyaha Degmadaas oo Warbaahinta La hadlay u ku eedeyay Ciidamada jabuuti ee Amisom in ay Fargalin Maaliyadeed kuhaayan Maamulka Buulo burde hayeeshee Markii u warkaas Sheegay Gudoomiyaha Degmada ayaa waxaa Ciidamo duldhigay taliyaha Jabuuti dhamaan Xafiisyada Degmada uguna hanjabay inu weerari Doona.
 Dhanka kale qeybo kamid ah Magaalada Ciidamo beeleed ku Soo daadiyay Gudoomiyaha Degmada taaso Sababi karto inu dagaal ka qaraxo Magaalada .
Wali Majirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hir-shabeelle iyo taliska Amisom Xiisada Saaki katagan Buulo burde ee u dhaxeyo Maamulka Buulo burde iyo Ciidamada Jabuuti.
Back to top button