FeaturedSomali News

Kiis cusub oo COVID- 19 ah oo laga helay Galmudug iyo walaaca laga qabo in cudurku soo laba kacleeyo.

 

Saaraakiisha wasaaradda caafimaadka ee maamul  goboleedka Gal-mudug, ayaa  Arbacadan maanta xaqiijiyay in deegaannada maamulkaas lagu arkay qof qaba xanuunka Covid19, kadib markii baaritaan lagu sameeyay.

 

Coronavirus, ayaan muddooyinkii dambe laga soo sheegin deegaannada Gal-mudug. Hase ahaatee kiiskan ayaa loo arkaa marxalad cusub oo ah Cudurkaasi.

 

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Caafimaadka ee maamulkaasi, ayaa sheegay in qofkani yahay midka kaliya ee ay dhawaanahan diiwaan geliyeen.

 

Bilihii lasoo dhaafay, waxaa guud ahaanba Soomaaliya hoos u dhacay hadal haynta Coronavirus, laakiin waxaa hadda muuqanaya in mar kale xanuunka uu dib usoo laabanayo.

Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya ayaa 4 maalin ka hor waxay shaacisay 146 xaalad oo cusub oo xanuunka safmarka Covid19 ah, waxayna kiisaskaas sheegtay in laga helay Puntland iyo Somaliland, waxayna guud ahaan tirade bukaannada uu ku dhacay guud ahaan waddanka ay noqoneysaa 3,588 ruux .

 

Galmudug ayaa waxay kiiskaan cusub shaacisay, xilli mar kale uu xanuunkaan si weyn dunida ugusoo laabanayo, dalal bandanna ay qarka u saaranyihiin in mar kale xayiraad lagusoo rogo.

Back to top button