Somali News

Kiisaska Karoonaha Soomaaliya oo Ku dhow 4kun

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay tirada rasmiga ah ee kiisaska cudurka Karona ee Dalka Ku soo kordhay 5tii maalmood ee ugu dambeysay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in tiro Ku dhow afar kun oo qof uu Ku dhacay.

Tirada la baaray Covid-19, 5tii maalin ee ugu dambeeyay Soomaliya: 2,704
Laga Helay: 157
Puntland : 134
Somaliland: 20
Banadir:2
Galmudug:1

Lab: 98
Dhedig: 59
Bogsasho: 64
Dhimasho: 0
Tirada Guud ee Laga Helay: 3,745
Bogsashada Guud: 3,010
Dhimashada Guud: 99
Soomaaliya ayaa kiiskii ugu horreeyay ee Karoona laga wariyay Bishii March ee sanadkan.

Back to top button