Somali News

Kismaayo oo noqotay meel la isku ugaarsado, dilal ka dhacay xalay

Dad shacab ah oo xalay lagu dilay Magaalada Kismaayo.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in laba ruux oo la sheegay inay ahaayeen dad shacab ah xalay ku dilay xaafad ka tirsan Magaaladaas.

Dilka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Isgoyska Soomaali Istaar ee xaafadda Calanley ee Kismaayo, isla markaana waxaa lagu dilay laba ruux xili ay goobta ku sugnaayeeen, iyagoo lagu dhuftay rasaas dhowr ah.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolad ay toogteen labada ruux, kadibna goobta ay uga baxsadeen Luuq yar oo halkaas ku yaalla, waxaana daqiiqado kadib goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Jubbaland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ciidanka amniga ay xaafadda Calanley ka bilaabeen howlgal lagu raadinayo ragii ka dambeeyay falkii dilka ahaa ee xalay ka dhacay xaafaddaas ee Magaalada Kismaaayo.

Todobaadkii horey ayay aheyd markii xaafadda Calanley ee Kismaayo rag hubeysan ay ku dileen maamulihii Shirkadda Amal Xarunteeda Magaalada Kismaayo.

Kismaayo ayaa xilliyada doorashooyinka waxa Ku badan dilalka Siyaasdeysan.

Mucaaradka Jubaland ayaa sheegaya in axmed Madoobe uu leeyahay koox loo yaqaan madaxjibis oo dila dadka dhaliila Maamulkiisa.

Back to top button