Somali News

Koox hubeysan oo dil ka geystay Baladweyn

Wararka kamanaya Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan gaar ahaanna Xaafadda Howlwadaag ayaa sheegaya in halkaasi ay koox hubeysan dil ka geysteen.

Dilka ayaa loo geystay Askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya uu ku sugnaa Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Lanta Hillaac ee Howlwadaag.

Askariga la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Macallin Cismaan Cabdikariin, waxaana kooxdii dilka geystay ay qaateen Qorigii uu watay.

Dilalka qorsheysan ayaa ka sii socda dalka  iyada oo ay aad u yartahay in Booliska ay qabtaan Ragga dilalka geysta oo intooda badan ka baxsada goobaha ay ka geystaan fal dambiyeedyada.

Back to top button