Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Somali News

Koox ku shaqeysata Doolar dhaqidda oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho, Top

Hay’adda Nbadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in ciidamada NISA ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay gacanta ku dhigeen koox ku shaqeysata lacag dhiqidda iyo Doolarka Madow.



“Ciidamada amaanka garoonka Adan Cade ee Muqdisho, waxay gacanta ku dhigeen shabakad ka shaqaysa fal-danbiyeedka lacag dhiqidda iyo samaynta Dollar been abuur ah, waxaana gacanta lagu hayaa laba kamid ah shabakadaas, kuwa kalana waa lagu dabajiraa.   Waxaa hawlaha u sahlay, sida gudbinta garoonka, “Mudane ka tirsan golaha shacabka” ee Baarlamaanka Federaaalka. Galka baarista ee shabakadan waxaa loo gudbinayaa hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh, si’ay uga qaadaan talaabada ku haboon.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA.

Lacag dhaqida ayaa ka mida dembiyada waaweyn, iyadoo Sharciga arrintan ku saabsan uu ansixiyey Baarlamaankii 9aad bishii December sanadkii 2015.

Related posts

Maxkamadda Ciidamada oo sii deysay Askar lagu Caddeyn waayey Dembi lagu soo oogay

Wadani Media

Ciidamada NISA Gacanta ku dhigtay Qof dhoofinayey Lacag been abuur ah & kooxda Daabacda (Sawirro)

Wadani Media

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo War kasoo saartay khilaafka Maamul Goboleedyada & Doorashooyinka

Wadani Media

Afar ka mida Madaxda Maamul Goboleedyada oo Beesha Caalamka & IGAD ka codsaday Faragelin [War-Murtiyeed]

Wadani Media

SAWIRRO: Ra’iisal Wasaaraha oo kormeer ku sameeyay shaqada Dekadda Muqdisho & Wasaaradda Maaliyadda

Wadani Media

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Xukun toogasho iyo bixin Diyo Dib ugu xukuntay Askar ka tirsan Ciidamada

Wadani Media