Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Kulan Sanadeedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia oo maanta ka furmay Muqdisho (Daawo)

Kulan  sannadeedka Golaha Wasiirada Soomaaliya oo dardar gelinta qorshayaasha Qaranka ayuu maanta furay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, kaasoo looga tashanayo geedi socodka qorshe howleedka mudnaanta iyo hor-tebinta leh ee xukuumaddu fulinayso sannadka 2019.

Shirka oo loo qorsheeyay in uu socdo laba berri , waxaana maalinta koowaad dib loogu eegay qorshooyinkii wasaaradaha ee sannadka dhammaadka ah, si loo ogaado wixii ka qabsoomay iyo caqabadihii lala kulmay iyada oo sidoo kale lagu qorsheynayay howlaha mudnaanta leh ee wasaaraddahu ay qabanayaan sannadka 2019.

Dhammaan wasiirradii kulanka ka hadlay ayaa soo gudbiyay waxqabadkoodii sannadka dhammaadka ah iyo qorshayaasha u degsan sanadka 2019.

Wasiirrada aan fursadda u helin in ay maanta soo gudbiyaan waxqabadkooda sanadkaan iyo qorshayaasna sannadka dambe ayaa qorshuhu yahay in ay soo bandhigaan berri kahor inta aan lasoo gebagebayn shirka.

No automatic alt text available.

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: people sitting, table and indoor

Image may contain: one or more people and indoor

Image may contain: one or more people, table and indoor

Image may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 1 person, indoor

HOOS KA DAAWO

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia oo ka dooday tira-koobka shaqaalaha & Deyn Cafinta

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo: “30-kii sano ee ugu dambeeyay Somaliya waxa lagu hayey faragelin toos ah, laakiin..” (DAAWO)

Wadani Media

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media