Somali News

Kulankii Golaha Shacabka oo furmay iyo ansixin ay sameeyeen

Kulankii Golaha Shacabka ee maanta ayaa furmay iyada oo qaar ka mid ah Xildhibaannadii laga manuucay in ay galaan xarunta Golaha shacabka lagu celiyay banaanka xarunta.

Xildhibaannada ayaa ansixiyay Ajendaha kaddibna waxaa ay cod u qaadeen Xubno ka dhiman Guddiga madaxabaan ee Xudduudaha.

Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza oo ka mid ah Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka,waxaana ogolaatay 136-Xildhibaan 3-Xildhibaan ayaa ka aamustay wax diidayna ma jirin.
Kulanka Golaha shacabka ayaa wali socda waxaana hortagtay Wasiirka Caafimaada Fawsiya ABiikar Nuur oo xaaladda Covid19 uga warbixineysa Baarlamaanka.
Xildhibaannada loo diiday kulanka oo ay ka midyihiin Xasan Yare iyo Mahad Salaad ayaa Baraha Bulshada ku qoray in Ciidamo loo adeegsaday.
Back to top button