FeaturedSomali News

labada guddoomiye Baarlamaan iyo Cumar Finish, oo ka wada hadlay mataalaaddii gobolka Banaadir.

 

13-kursi oo loo qoondeeyay matalaadda gobolka Banaadir, ayaan ilaa hadda laheynin meel lagutiiryay  iyo cid gaara oo loo raacayo.

 

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo , ayaa wakhti hore baarlamanka ka codsaday in ay meel mariyaan kuraasta loo qoondeeyay matalaadda gobolka banaadir ee golayaasha baarlamanka, hase ahaatee ilaa hadda labada aqal ee baarlamanka ayaan wax tallaabo ah ka qaadin arrintaasi.

 

Kulan ay wada yeesheen guddomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamanka Federalka Soomaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo guddomiyaha Gobalka Benadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamud (Cumar Filish), ayaa lasheegay in looga hadlay halka ay ku dambeeyeen kuraastii loo qoondeeyay matalaadda gobolka Banaadir.

 

Saddexda masuul, ayaa lasheegay in ay isla afgarteen qodobada ay ka wada hadleen eek u saabsan mataaladda gobolka banaadir.

 

Back to top button