Somali News

Lafta Gareen oo si kulul ula hadlay Musharrixiinta ku shirsan Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koofur Galbeed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay shirka Mucaaradka ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo ka hadlayay munaasabad casho sharaf sagootin ah oo Baydhabo loogu sameeyay Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Dadka shiraya ee diiddan Guddiyada maaha inay xumaan ka eegaan waxa wanaagsan ee aan samaynayno dib ha u fiiriyaan waxay hore usoo sameeyeen, waxaan leeyahay ha u xiisina wixii xumaa ee aad hore u soo sameyseen”

C/casiis Lafta Gareen oo u jawaabayay C/raxmaan C/shakuur hadalkii uu maanta jeediyay ayaa yiri “Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaan leeyahay anagoon 4.5 eegin ayaan dhex idiin noqonaynaa”

Back to top button