Somali News

Laftagareen oo Hay’adaha amaanka Bakool kala hadlay sidii loo qaadi lahaa xayiraadda AL shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Laftagreen ayaa waxaa uu Magaalada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool kula kulmay Hay’adaha amaanka maamulkaasi ee Gobolka Bakool.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay sidii Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo Ciidamada kala duwan ee ku sugan Gobolkaasi ay gacan uga geysan lahaayeen sidii Al-shabaab looga saari lahaa Gobolka.

Laftagareen ayaa waxaa uu warbixino ka dhegeystay saraakiisha amaanka ee ku sugan Gobolka ee uu kulanka la qaatay,waxaana ay ku heshiiyeen in la billaabo howlgallo wax looga qabanayo Al-shabaab.

Gobolka Bakool ayaanay jirin degmo degmo kale looga gudbi karo dhinaca dhulka waxaana kala xiray AL-shabaab iyada oo maciishadda ay aad sare ugu kacday.

Back to top button