FeaturedSomali News

Laftagareen, oo ka hadlay qaabka loo dooranayo xildhibaannada Koonfur Galbeed ee BFS.

 

Madaxweynaha dawlad goboleed Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ,ayaa markii ugu horreysay sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed ay si cadaalad uga dhici doonto doorashada soo socota ee xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka ah ee  Soomaaliya.

 

Madaxweynha Laftigreen,  ayaa ballanqaaday in uu ilaalinayo dawladnimada Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in uu la socdo dhibaatooyinka laga soo maray dib-udhiska dawladnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Laftagareen, ayaa hadlkan sheegay mar uu khudbad ka jeedinayay munaasibad habeenkii xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho oo ay ka qayb galeen xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kala tirsan labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ah.

 

Back to top button