Somali News

Laftagareen oo ka qeybgalay dhaarinta Siiddii

Munaasabad kooban ee lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ayaa ahayd mid lagu Dhaarinayey Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Cabduqaadir Shekh Maxamed Nuur (Siidi) oo Shalay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen Umagacaabay Xilka Gudoomiyenimo ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Munaasabada oo lagu qabtay Xafiiska Madaxweynaha Waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Mudane Cali Saciid Fiqi Gudoomiyaha Maxkamada Sare Koonfur Galbeed Mudane Axmed Cali Muuse iyo Gudoomiyaha la dhaarinayey Munaasabada ayaa Ugu Horeyn Gudoomiyaha Maxkamada Sare Axmed Cali Muusa ku dhaariyey Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose .

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo khudbad Dardaaran ah ka jeediyey Munaasabada Dhaarinta ayaa Tilmaamay Howlaha Horyaala Gudoomiyaha iyo Dadaalada Dowlada ay ku bixisay Dib Uxureynta Gobolka Hirgelinta Mashaariic Hormarineed iyo Baahinta adeegyada Dowlada Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa sidoo kale Xusay in kan Dowlad ahaan ay taageri Doonan Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Back to top button