Somali News

Laftagareen oo la kulmay mas’uuliyin ka socotay wasaaradda Qorsheynta DF

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) oo uu wehlinayo Guddoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka soctay Wasaaradaha Qorshaynta iyo Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliyo oo Baydhabo u tegay ka qeybgalka Daahfurka Shirka looga hadlaayo arrimaha abaaraha.

Wadatashiga ayaa ku saabsan mudnaansiinta baahiyaha, udkaysiga iyo soo kabashada, kassi oo ay ka qeyb galeen madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Mashruuca waa uu ku saabsanyahay fulintiisa qeybaha koowaad ee mashruuca soo kabashada xasaradaha Soomaaliya ee ay nasiibka u yeesheen in laga fuliyo maamul Goboleedyada Koonfur-galbeed, Jubaland iyo Hirshabelle.

Mashruucan ayaa la xariira ka jawaabida qiimeeyn horay looga sameeyay, saameeynta Abaaraha, fatahaadaha Ayaxa iyo caabuqa COVID 19 ee dalka ku habsaday.

Mashruucan ayaa ah deeq Maaliyadeed oo Baanka Adduunka ku taageeray dowladda Soomaaliya taasi oo gaarayso $137.5M lagana fulinayo eeriyooyinka duwan sida;
a). Kasoo kabashada daadadka iyo soo celinta adeegyada asaasiga;
b) Dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha, bixinta adeegyada iyo kaabidda hab-nololeedyada ay saameeyeen fatahaadaha;
c). U Diyaargaroowga xasaradaha ee mudada fog,
d). Kajawaabidda musiibooyinka Dabiiciga ah ee sida degdega bulshad Saameyay

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorsheynta heer federaal waxa ay in muddo ah ka shaqeeynayeen qaabdhismeedka lagu hirgelinaayo mashruuca iyo shaqaaleynsiinta howl-wadeenada Mashruucan;

Waxaa jiray shuruudo adag oo uu Baanka Aduunku ku xiran Maalgelinta mashruucan oo ay lagama maarmaan tahay in lafuliyo si loo soo deeyo lacagaha. Waxaa ka mid ah diyaarinta dokumeentiga mashruuca, sharciga, heshiiska maalgelinta iyo diyaarinta howlwadeenada laf dhabarka u ah mashruuca.

Qaab dhismeedka maamulka mashruucu waxa uu ka kooban yahay saddex heer oo kala ah;
– Guddiga Hoggaaminta mashruuca (PSC)
– Unugga Fulinta Mashruuca (PIU)
– Hawl-wadeenada maamulka mashruuca ee heer dowlad goboleedka. (SPT).

Ujeedada wadatashiga ayaa ah mudnaansiinta baahiyaha u Adkeysiga iyo soo kabashada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaali. Baahiyahan oo wadanka idil horay looga soo uruuriyay ayaa la doonayaa in lagaso xulo kuwooda hor-tabinta leh.

Waxa aan rajanaynaa waxa kasoo baxa wada-tashigan in ay noqdaan xal wax ka tara masiibooyinkan soo noqnoqday.

Back to top button