FeaturedSomali News

M/wenye Farmajo : Qabsoomidda Doorashada, ayaannu si’ adag uga shaqaynaynna Covid-19 oo wali jira.

Dawaladda Somalia iyada oo kaashanaysa saaxiibbadeeda caalamka waxa ay ka shaqaynaysaa  sidii shacabkeeda ay ugu dhisi lahayd , waddan demuquraadi ah, loo dhanyahay oo barrwaaqo sooran ah, ayuu yidhi madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Maxmed  Farmaajo.

 

 

Madaxweynuhu, waxa uu khudbad u jeediyay kal fadhigga 75 –aad ee shirwaynaha guud ee Qaramada midoobey , oo muddo 41 sano ah ka dib ay Soomaaliya shir guddmisay qayb kamida.

 

 Shirka golaha guuleed ee Qaramada Midoobey ee sannadkan 2020, ayaa diiradda lagu saarayay dhibaatooyinkii ka dhashay Covid-19.

 

“Inkasta oo wali ay jiraan caqabadaha COVID-19, ilaa hadda waxaannu si adag ugu shaqaynaynnaa doorasho qaran oo loo dhanyahay oo shacabka Soomaaliyed oo ay ku go’aansadaan mustaqbalkooda”  ayuu khudabaddiis ku yir madaxweynuhu.

 

‘’ Covide-19 ma aqoonsan xaduud, sinjiyada, Jinsi, awood dhaqaale oo waddan ama shakhsi  leeyahay. Dhammaanteen waxaynnu u hannay dhibbane; sidaas awgeed waa in la helo xal loo midaysanyahay oo cudurkaas  looga badbaadinayo qof kasta oo bani dam ah’’. Ayaa mid ahayd khudbadda madaxweyne Farmaajo.

Sida dunida kale oo dhan, Soomaaliya waxaa saamayn weyn ku yeeshay faafitaanka cudurka dilaaga ah ee Covid-19.

Madaxweyne Farmaajo, waxaa uu sheegay in dhibaato bulsha , hoos u dhac dhaqaale iyo shaqo la’aan uu dalka Soomaaliya ka dhaxlay Covid-19.

 

Back to top button