FeaturedSomali News

Ma cadaawad gaara, ayay dawladdu u qabtaa wiilka Cadaado laga soo qabtay? | Akhri Xogtan.

 

Ciidammada booliiska Soomaaliyeed, ayaa si ka baxsan sharciga waxa ay u buunbuuniyeen soo gabashada wiil  magiciisa lagu sheegay Maxamed Ibraahim Cismaan oo loga soo qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wiilkan oo loo tuhunsanyahay dilkii Xamda Maxamed Faarax ayaa subaxnimadii hore ee Arbacadii maanta  sawirkiisa lasoo geliyay baraha bulsha.

Warbaahinta iyo dhallinyarada sawirka wiilka lasoo qabtay buunbuuninaysa, ayaa lasheegay in badankoodu yihiin kuwa dawladda lashaqaysta.

Dadka sharciga ciidammada booliiska akhriya ayaa arrinka u arka xad-gudub lagu la kacay wiilkan aan weli kiiska lagu helin ee haddana muuqaalkiisa iyo magaciisaba la baahiyay.

 

Taliska ciidanka booliiska ee degmada Cadaado, ayaa warbaahinta isugu yeeray si ay usoo bandhigaan wiilkan ay ku eedeeyeen in uu ka dambeeyay dilkii marxuumadda.

 

Waxaa jira , warar u muuqda been abuur oo lasheegayo in wiilku uu si rasmi ah u qirtay kiiska dilka iyo kufsiga, iyada oo ilaa hadda aan wax maxkamad ah lasoo taagin.

Su’aasha taagan ayaa ah, muxuu Maxamed Ibraahim Cismaan ka duwan yahay 11-ka nin ee dawladdu sheegtay in kiiskan loo hayo iyo labadii laga siidaayay xabsiga oo aan midkoodna lashaacin magacooda iyo muuqaalkooda? Ma waxaa jira, ciqaab gaara oo la marsiinayo wiilkan aan weli  arrinkiis  maxkamadi ka garniqin?

Maxay kula tahay adiga akhriste ?

Back to top button