FeaturedSomali News

Ma dhici kartaa, in  Farmaajo qorto liiska wasiirrada uu Rooble magcaabi rabo ?

Warar hordhac ah, ayaa sheegaya arrimo qalad ku ah bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan beelaha hawiye oo lasheegay in ay ku hawlanyihiin madaxwayne Farmaajo iyo gacan yarayaashiisu.

Wararka, ayaa tilmaamaya in meesha laga saari doono wasiirrada hawiye ee hadda  talada haya si madaxwayne Farmaajo uu faragelin toosa ugu yeesho xildhibaannada cusub ee dhawaan la dooran rabo.

Wasiirrada la tilmaamay, waxaa kamid ah wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow, wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye , wasiirka Boosaha iyo Isgaarsiinya  iyo Wasiirka ganacsiga Soomaaliya.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya, guddoomiye ku xigeenka golahaas iyo xildhibaanno loo tuhmi karo in ay hawlahan ka shaqaynayaan ayaa habeennimadkii xalay la kulmay raysal wasaarahan aan aanay weli ansiixin ee Maxamed Xuseen Rooble.

 

Rooble, ayaa ah nin aan waxbadan ka fahamsanayn siyaasadda dalka agaar ahaan arrimaha socda wakhtigan kala guurka ah.
Back to top button