Somali News

Maalinta Calanka oo Muqdisho laga xusay & Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo diray (Daawo)

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray  Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aaddan Xuska Maalinta Calanka u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan .. Kor yeelidda Calankeenna waxaa lagu bixiyay dhiig iyo dhaqaale, waana waajib ina saaran dhammaan inaan soo celinno sharafkii iyo karaamadii uu ku dhex lahaa fagaareyaasha caalamka” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo..” ayuu yiri madaxweynaha oo war qoraal ah soo saaray.

Dhinaca kale waxaa maanta Muqdisho laga xusay maalinta calanka Soomaaliya ee 12-ka Oktoobar oo la hindisay calanka buluuga ah ee Soomaaliya oo ku beegan 1954-tii, waxaana munasabad lagu xusayey 64 guuradiisa soo qabanqaabisay Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada dhallinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay muhiimad gaar ah maalinta xuskan loo asteeyey ay u leedahey guud ahaan bulshada ku hadasha afka Soomaaliga.

Tags
Back to top button
Close
Close