Somali News

Maamulihii Amal Bank oo lagu dilay Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa lagu dilay magaaladaasi.

Maamulihii Xawaalada Amal ee magaalada Kismaayo Cabdulaahi Shigshigow ayaa koox hubeysan waxaa ku dileen Magaalada Kismaayo.

Shigshigow ayaa lagu dilay Xaafadda Calanley oo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose.

Kooxada dilka geysatay ayaa goobta ka baxstay sida dad gobjogayaal ah ay xaqijiyeen.

Bishii la soo dhaafay ayaa qof isqarxiyay waxaa uu Masaajid Ku yaalla Kismaayo Ku dilay Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan kuwaas oo inta badan aan la soo qaban dadka falalkaas geysta.

Back to top button