Somali News

Maamulka G.Hiiraan oo dayactiray Buundooyinka Baladweyne

Maamulka Gobolka Hiiraan oo kaashanaya Ganacsatada iyo Gaadiidleeyda ayaa Dayactir ku sameeyay Buundooyin kuyaalla Beledweyne.

Buundooyinka Buundo-weyne iyo Liiq-Liiqato oo sameyn aay kuyaalatay fataahadda Beledweyne muhiimna u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka xaafadaha Beledweyne isaga kala goosha ayeey dayactirka maamulka ku sameeyeen.

Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda maamulka gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullahi (Maadeey) iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Hiiraan Maxamed Ibraahim Goosaar ayaa dhammaabtood ballan qaaday in aay horumarinta adeegyada bulshada muhiimka u ah sii wadi doonaan.

Masuuliyiintaasi ayaa dhanka kale ballan qaaday in tallaabo adag aay ka qaadi doonaan dadka qashinka ku shuba Buundooyinka iyo waddada Laamiga ah ee dhaxmarta Beledweyne oo dhismo uu ku socdo.

Ugu dambeyn howlihii shaqo ee Buundooyinkaasi ayaa maanta sidii hore kusoo noqday kaddib muddo hakad aay ku jireen dadka oo kaliyane aay isticmaalaayeen.

Back to top button