Somali News

Maamulka Gobolka Banaadir oo taageeray Barnaamijka Is-Xilqaan ee Dowladda Federaalka Somalia

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo guddoomiyey kulanka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka ayaa tilmaamay in barnaamijka Is-xilqaan ee DFS ay ka hirgelinayso dalka uu muhiim u yahay dib u dhiska iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

wuxuu ugu baaqay bulshada iyo Maamulka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir in ay kaalintooda ka qaataan barnaamijkan, si loo soo celiyo quruxda iyo bilicda ay ku tilmaamnayd caasimaddu. Kulankan Todobaalha ah ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada ku dhaqan degmooyinka Gobolka, si looga hortago falalka gurracan ee argagixisada Alshabaab ay u maleegayaan shacabka.

Guddoomiye Kuxigeennada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, arrimaha bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Gobolka dhiirigelinta iyo soo dhoweynta ay u muujiyeen qorshaha dib-u-soo celinta goobaha danta guud ee Caasimada, waxaana la isku raacay in la sii wado qorshahan, dibna loo hirgeliyo goobihii ay ku nasan jireen bulshadu.

Sidoo kale, Guddoonka heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si wada jir ah u bogaadiyey habsami u socodka Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Garoonka Koonis, iyagoona hambalyo u diray degmooyinka u soo gudbay wareegga labaad.

Close
Close