FeaturedSomali News

Maamulka Hir-shabeelle, oo faahfaahin ka bixiyay weerarkii Al-shabaab ku qaaday Balcad.

 

Dawlad goboleed Hir-shabeelle,  ayaa faahfaahin ka bixyay  weerarkii Xarakada Al-shabaab ay subaxnimaddii hore ee saakay ku qaadeen magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Wasiirka Amniga ee maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa sheegay in ciidamada weerarka soo qaaday aysan magaalada gudaha u gelin .

Waxa uu sheegay in ujeedka Al-shabaad uu ahaan in ay qaraxyo ku xiraan buundad magaalada Balcad.

Wasaairka Amniga Hir-shabeelle, waxa uu sheegay in khasaaraha  soo gaadhay ciidamada dowladda uu yahay hal askari oo dhimasho ah iyo saddex dhaawac ah.

 

Al-Shabaab, ayaa marar badan weerar ku qaaday magaalada Balcad, waxaana wasiirku ka hadlay sababta ay arrintan dhawrka jeer u dhacday “Balcad waa istaraatiiji waa magaalo xiriirisa Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe, sidoo kale Shabeellaha Hoosena xiriirisa. Marka maaddaama deegaankaas uu yahay mid istaraatiiji ah ayaa keeneysa inay ku soo laalaabtaan .” Ayuu yiri wasiirka.

 

Geesta kale ,  Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii saakay ay ku qaadeen Balcad ay ku dileen afar askari oo ka tirsan ciidanka dowladda.

Wararka laga helaya dadka deegaanka, ayaa sheegaya in kooxihii dagaalka soo qaaday ay qabsadeen dhowr xaafadood oo magaalada ka tirsan isla markaana ay maxaabiis ka sii daayeen xabsiga magaalada Balcad kahor inta aanay dib uga bixin.

Back to top button