Somali News

Maareeye: ” anigu Ra’isalwasaare Ku xigeen ayaan raadiyay”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in markii la riday xukuumaddii Kheyre uu raadiyay xilka Ra’isalwasaare Ku xigeenka dalka.

Maareeye sheegay in sida uu hadalka u dhigay uu moodayay in Ra’isalwasaare Ku xigeenka laga qaaday xilkaas.

“Anigu xukuumadda Kheyre markii ay dhacday wasiir ma raadin, waxaan raadiyay ra’isalwasaare Ku xigeen, aniga iyo guuleedna dagaal baa halkaa nagu dhexmaray, markaa waan u hambalyeynayaa hadduu guuleystay” ayuu yiri Maareeye.

Maareeye ayaa xilka Wasiirka Warfaafinta Ku wareejiyay DR Dubbe oo ay ka soo wada jeedaan Somaliland.

Back to top button