Somali News

Madasha Badbaado Qaran oo baaq u diray Beesha Caalamka

Madasha Badbaado Qaran ee Khamiistii Muqdisho looga dhowaaqay ayaa qoraal ay u direen dalal iyo hay’ado caalami ah ku dalbaday inay si deg deg ah usoo faro-geliyaan is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya.

Qoraalka ayaa loo diray xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga, xoghayaha arrimada dibedda UK, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta.

Madasha ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad halis ah, sababtoo ah “madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu ku guul-darreystay inuu dalka doorasho gaarsiiyo, taasi oo aheyd mas’uuliyadda madaxweynaha.”

Waxa kale oo ay ku eedeeyeen inuu waxyeeleeyey dadaal iyo daacadnimo kasta oo ay muujiyeen saamileyda siyaasadda, ayaga oo tusaale usoo qaatay inuu kasoo kacay miiska wada-xaajoodka ee shirkii Dhuusamareeb-4.

Madasha ayaa qoraalkeeda sidoo kale ku sheegtay in Farmaajo uu shir ku baaqay, xilli beesha caalamka ay waddo dadaal la isugu keenayao dhinacyada Soomaaliya, si ay ugu shiraan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Sidoo kalena uu ciidamo hor leh ku daabulayo gobolka Gedo, isagoo shakhsiyan u adeegsanaya ciidankii Qaranka.

Qoraalka Madashan ayaa intaas ku daray in Farmaajo uu amray in ciidamada Haramcad ay la wareegaan ammaanka garoonka Aadan Cadde, taasi oo ay ku macneeyeen isku day lagu fashilinayo dadaallada beesha caalamka ee shirka halkaas ka dhacaya.

Waxay sheegeen in shirka shanaad ee uu Farmaajo ku baaqay xalay mar kale looga gol leeyahay in lagu raali-geliyo dhinacyo dibadda ah, halka gudaha dalkana uu ka wado ficillo caburin ah, iyo hurinta xasarado abuuray inay ka aamin baxaan saamileyda siyaasadda.

“Waxaan xaqiijineynaa in Farmaajo uusan haysan wax aaminaad ah oo uu ku hoggaamin karo hanaan doorasho, uuna lumiyey awooddii iyo aaminaddii uu kulan isugu yeeri karo. Waxa uu weli yahay caqaabadda hortaagan doorashooyin nabdoon, daah-furan oo loo dhan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa ay sheegeen inay aad u adag tahay in wada-hadallo nabadeed la galo illaa Farmaajo lagula xisaabtamo ficilladii ceebta badnaa ee uu ku diiday inay doorasho dhacdo. Waxayna ku baaqeen in si deg deg ah Farmaajo looga wareejiyo hoggaanka amniga dalka kahor inta aan kulan kale la qaban.

Ugu dambeyntii waxay qoraalkaan ku dalbadeen in shir madaxeed dhici doona laga qeyb geliyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya, iyagoo ka codsaday beesha caalamka inay si dhab ah u soo faro-geliso siyaasadda cakiran ee Soomaaliya.

 

Back to top button