Somali News

Madaxa Ilaalada Daahir Maxamuud Geelle oo isku day dil ka badbaaday

Madaxa ilaalada musharrax madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku dhaawacmay qarax miino loo adeegsaday oo ka dhacay Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Musharrax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo arrintan hadlay ayaa yiri.

“Waxaa caawa qarax argagixiso oo fulaynimo ah lala beegsaday Korneel Cumar Cabdiraxmaan oo ammaankeyga guud masuul ka ah iyo ilaaladiisa. Waxaan murugada la qaybsanaynaa una tacsiyeynaynaa ciidamada qalabka Sida iyo ehellada geerida ku timid Alle ha u naxariiatee Axmed Cali Maxamuud iyo Xasan Cali Maxamed oo ka tirsanaa ilaalada taliye Cumar.

Waxaan Alle uga baryayaa inuu inoo caafiyo Cornel Cumar Cabdiraxmaan, Yaasiin Muxudiin Khaliif darawalka taliyaha, Xuseen Cali Xasan Caddow iyo Abuukar Maxamed Cabdulle oo ka tirsanaa ilaalada taliyaha, Ilaahay ha u booga dhayo, caafimaad deg deg ahna Alle ha siiyo dhammaantood.

Taliye Cumar waa sarkaal astaan u ahaa una ah dhowr iyo tobanki sano ee tagay ku dhiiranaanta iska dhicinta, dad ka dhicinta dhagar qabayaasha argagixisada ah, Allaha ku caafiyo adiga wiilasha askarta ah.”

Back to top button