Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Madaxda Maamul Goboleedyada oo Dalbaday Faragelin Shisheeye! (Akhriso Shuruudaha ay soo saareen]

Madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa dalbaday faragelin shisheeye iyo dhexdhexaadin laga laga dhex sameeyo iyaga iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Golaha madaxda maamul Goboleedyada ayaa lagu sheegay shuruud dhowr qodob ah oo uu ka mid yahay inay u baahan yihiin dhinac saddexaad oo dhexdhexaadiya iyaga iyo dowladda Soomaaliya, iyagoo ku dooday inuu dhinacaasi noqonayo damaanad qaade.

Arrintan jebineysa mid ka mida guulihii ugu waaweynaa ee dowladnimada Soomaaliya kadib markii laga baxay KMG, taasoo ahayd in wixii Soomaalida u dhaxeeya ay dhexdooda xalistaan, wuxuuna qodobkaasi ahaa mid si cad loogu qeexay baaqii madaxweynaha Soomaaliya u diray maamul Goboleedyada ee ahaa inay  shir isugu yimaadaan Muqdisho 17-18-ka Bishan Septembar.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed” ayuu baaqiisa ku yiri madaxweyne Farmaajo.

Waxaa kaloo shuruudaha ku jira inaysan amnigooda u cabsi qabaan oo ay doonayaan in laga fekero goobta shirku ka dhacay, taasoo ah arrin aan hore u dhicin iyo aamin darro ay ku qabaan dowladda Federaalka, wuxuuna qoraalka maanta soo baxay ahaa kii ugu liitay ee ka soo baxa madaxda maamullada, inkastoo aan la ogeyn inay u dhan yihiin iyo in kale.

HOOS KA AKHRISO

 

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media