Somali News

Madaxii Al shabab ee Jubada dhexe oo howlgal lagu dilay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ka dhacay Gobolka Jubada dhexe lagu dilay Madaxii Al shabaab ee Gobolkaas.

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa sheegeen in Howl-gal ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada dhexe ay ku dileen Xassan Sufiyaan Qooreey oo ay sheegeen in uu Dagaalamayaasha Al-Shabaab Madax uga ahaa Gobolka Jubbada dhexe.

Ciidanka Soomaaliya oo taageero ka hela Mareykankan ayaa howlgallo ka dhan ah al shabab waxaa ay ka fuliyaan gobollada dalka.

Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa hakiyay howlgallada ka dhanka ahaa Al shabaab ee lagu qabsanayay magaalooyinka waxaana ay inta badan beegsadaan saraakiisha Al shabaab ee Gobolada madaxda ka ah.

Back to top button