Somali News

Madaxweynaha Eritrea oo booqasho Ku tagay Adis ababa

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho saddex cisho uga bilaabatay dalka Itoobiya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jimma ee Gobolka Oromada.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay culeysyo siyaasadeed oo gudaha dalkiisa ah, tan iyo markii dib loo dhigay doorashada dalkaas, isla markaana muddo sanad ah xilka loo kordhiyay, hase ahaatee waxaa ka dhashay qalalaase siyaasadeed iyo rabshado dad badan ku dhinteen, iyadoo la xiray qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Booqashada Madaxweynaha Eritrea uu ku tagay Gobolka Oromada ayaa ku soo aaday, iyadoo xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Maamulka Gobolka Tigreega iyo Xukuumadda Itoobiya uu cirka isku shareeray, kaddib markii Gobolkaas uu dhowaan ka dhacday doorasho ay Xukuumadda ku tilmaamtay sharci darro.

Back to top button