FeaturedSomali News

Madaxweynaha Hirshabeelle oo War Cad kasoo saaray Shirarka Madaxda Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hor yimid, iskana fogeyay shirarka aanu maamulka Hirshabeelle ka qeyb gelin ee u socda Madaxda maamul goboleedyadda dalka.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Hirshabeelle aysan ka qeyb gelin shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeesheen madaxda maamulada ku yeesheen magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, isla markaana aan magaca Golaha Iskaashiga lagu qaban karin wax shir ah iyadoo aanay qeyb ka ahayn Hirshabelle.

Wuxuu intaas ku daray  in Hirshabeelle iyo dowlad goboleedyadda uu ka dhaxeeyo xiriir Wanaagsan, balse aysan aqbali doonin Golaha Iskaashiga ay shiraan Hirshabeelle oo aan ogeyn,Maadaama maamulada ay wada dhisteen Golaha.

Maxamed Cabdi Waare ayaa heshiis la gaaray dowladda dhexe ee Soomaaliya, waxaana uu u muuqdaa in uu ka baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda.

Tags
Close
Close