FeaturedSomali News

Madaxweynaha Hirshabeelle oo War culus kasoo saaray Golaha Maamul Goboleedyada (War-murtiyeed)

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hor yimid Go’aamadii u dambeeyay iyo shirarkii ay madaxda maamul Goboleedyada ku galeen magaca Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee ka dhacay magaalada Nairobi iyo magacaabidda Afhayeenka Golahaasi.

War uu soo saaray Madaxweyne Waare oo dhinaca kale ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Iskaasiga Dowlad Goboleedyada ayuu ku shegay inay tahay wax laga xumaado tahay in maamulada qaarkood ay gaataan go’aan aanay Hirshabeelle ogeyn.

[penci_blockquote style=”style-2″ align=”none” author=”Maxamed Cabdi Waare” font_weight=”bold” uppercase=”false” text_size=”19″]”Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada looma asaasin inuu noqdo isbaheysi mucaarad ah iyo inuu fuliyo danaha hal ama dhowr maamul Goboleed oo kaliya..” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxweynaha Hirshabeelle oo intaas ku daray: “Dowlad goboleedka Hirshabeelle waxay ka soo horjeestaa wax kasta oo baal marsan hadafkii loo aas aasay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada”[/penci_blockquote]

 

Tags
Close
Close