Somali News

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo ka tacsiyeeyay Nabaddoon ku geeriyooday Baydhaba

Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyay mid ka mid ah Nabaddoon xalay ku geeriyooday Magaalada Baydhaba.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Malaaq Xasan Shure oo ku geeriyoodey magaalada Baydhabo.
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Shure oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka bulshada Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday magaalada Baydhabo. Malaaqu waxa uu ka mid ahaa tiirarka nabadda iyo dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Marxuumku waxa uu qayb ka ahaa Odeyaashii Kaalinta Mugta ku lahaa dadaalladii dowlad dhiska heer federaal iyo koonfur galbeed.
Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooda.
Back to top button