Somali News

Madaxweynaha Puntland oo shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Boosaaso

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Magaalada Boosaaso waxaana uu amray in lagu sameeyo maaritaan maaliyadeed.

Wareegto ka soo baday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa u dhigan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr 09 ee 9-ka Maarso 2021, kuna saabsan shaqo ka joojin Guddomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad
Markuu arkay: Eedaymaha la xiriira ku dhaqan la’aanta nidaamka maamulka dhaqaalaha ee degmadda Boosaaso
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland.
Markuu tixgeliyey: Cabashooyinka ka imanaya shacabka degmadda Boosaaso
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa shaqada laga joojiyey Guddomiyaha Degmada Boosaaso, Mudane Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.
2. Waxaa shaqada sii wadaya Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Degmadda Boosaaso.
3. Waxaa la faray Hanti dhawrka Guud in ay baaris dhameystiran ku sameeyaan maamulka iyo maareynta
Xeerkan waxaa uu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu Saxiixo, wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
Back to top button