Somali News

Madaxweynaha Soomaaliya & Wafdi uu hoggaaminayo oo u dhoofay Koonfurta Suudaan

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka dhoofay  magaalada Muqdisho, isago ku sii jeeda magaalada Jubba ee Dalka Suudaanta Koonfureed.

Ujeedada Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Koonfurta Suudaan ayaa la xiriirta ka qeyb galka munaasabad loogu dabaal-dagayo dhameystirka heshiiska dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi oo in muddo ah ay dagaallo ka socdeen.

Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka qeybgalaya hogaamiyaal ka socda Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD,kuwaasi oo si dhow ula socday xaaladaha murugeysan ee ka taagnaa Dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa kamid ah wadamada uu xiriirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya, waxaana dalkaasi kunool  Soomaali badan oo ganacsi waaweyn ku leh.

Tags
Back to top button
Close
Close