FeaturedSomali News

Madaxweynayaasha gobollada, oo ka baxay Muqdisho iyo heshiiskii doorashada oo aan la meelmarin.

Madaxdii maamullada, oo badankoodii Muqdisho ka baxay heshiiskii doorashada oo aan meel marin.

Madaxweynayaasha dawladda gobleeeyada dalka, ayaa intoodii badnayd dib ugu laabteen maamulladoodii, kadib muddo bil ku dhow oo ay shir u joogee  Muqdisho.

Madaxwayne Qoor-qoor, ayaa saaka ka degay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gal-mudug iyada oo ay halkaas kusoo dhaweeyeen madaxda kaladuwan ee maamulkiisa.

Waxaa isaga ka hor baxay madaxweynayaasha Puntland iyo Koonfur Galbeed oo kusugan Baydhabo, wakhti ay Muqdisho weli joogaan Axmad Madoobe iyo Waare.

Xisbiyada mucaaradka ah qaarkood, ayaa hore ugu baaqay in madaxweynayaasha dawladda goboleeddadu aanay ka bixin Muqdisho ilaa la meelmariyo heshiiskii laga gaaray doorashada.

Heshiiska doorashada oo ka kooban 15-qodob oo ay tahay in la horgeeyo baarlamanka,ayaan ilaa hadda wax tallaabo ah laga qaadin, mana cadda wakhtiga ay qaadan doonto arrintaasi.

Back to top button