Somali News

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo kulan la qaatay midowga musharrixiinta

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada kala ah Puntland iyo Jubaland ayaa waxaa ay Magaalada MNuqdisho kulan kula qaateen intra badan xubnaha midowga Musharrixiinta.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka dagay Madaxweynaya Puntland Siciid Cabdullahi Deni kaas oo shalay uun soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Dhinacyada ayaa diiradda saaray u diytaar garowga shir lagu wado in uu todobaadkan gudahiisa uu magaalada Muqdisho shir uga furmo Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada kaas oo ay gar wadeen ka tahay beesha Caalamka.

Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada ayaa sku maandhaafsan doorashada Soomaaliya,halka midowga musharrixiinta ay daneynayaan in shirarka la xiriira doorashooyinka ay iyaga qeyb ka noqdaan.

Back to top button