
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarunta Madaxtooyada kulan degdeg maanta la yeeshay taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee dalka, sida ay shaaciay Madaxtooyada Somalia.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kulanka degdega ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidamada, isagoo faray in ay si dhaqso ah ula yimaadaan warbixin dhammeystiran oo ku saabsan amniga iyo qaraxyadii dhacay maalintii Jimcaha.
Taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ayaa maalintii Jimcaha lagu arkay iyagoo ka wada qeyb galaya xaflad loo sameeyay Shirkadda Diyaaradaha Ethopian Airlines, taasoo dad badan ay la yaabeen, waxaana lagu arkaa xafladaha iyo munaasabadaha.