FeaturedSomali News

Madaxweyne Farmaajo, oo baaq u diray Qoor-qoor, Waare iyo Laftigireen.

 

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdilaahi Farmaajoy, ayaa saddexda madaxweyne ee Gal-mudu, Hir-shabeelle iyo Koonfur-galbeed ugu baaqay in ay kasoo qayb galaan shirka lagu ballansanyahay in looga hadlo xaaladda ka guur ka ah  ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

 

War ay daabacday Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna, ayaa lagu yiri.

‘’Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka in ay ka soo qeyb galaan shir ay u dhanyihiin Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka arrimaha doorashooyinka iyo amniga’’

 

Agaasimaha warbaahinta ee madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegay in shirkan oo dhici doona 10-ka bishan lagu dhammeystiri doono hanaanka doorashooyinka dalka, iyadoo uu saldhig u yahay heshiiskii Samareeb-3 oo ay ka soo baxeen qodobo lagu qeexayey hanaanka doorasho ee dalku wajahayo.

 

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa haatan ku sugan Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay madaxweynayaasha Hirshabeelle, Galmudug iyo koofur Galbeed ay iyaguna caasimadda soo gaaraan, si ay uga qaybgalaan shirkan .

 

Saddexdan madaxweyne ee maqan, ayaa qayb ka ahaa shirkii heshiisyada laga soo saaray ee Dhuuso-mareeb 3. Inkasta oo warar qaar  ay sheegayaan in aanay kuba qanacsanayn qodobbada ay saxeexeen.

 

Fadlan  booqo barteenna facebook : https://www.facebook.com/Wadanimedia

Back to top button