Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa muddo saddex Maalmood ah ka maqnaa dalka waxaana uu Ku sugnaa dalalka Koofurta Suudaan iyo Eritrea.

Koofurta Suudaan waxaa uu uga qeybgelay heshiiskii dhinacyada dalka Suudaan saxiixanayeen halka Eritrea oo uu laba maalmood joogay la kulmay madaxda dalkaas.

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea ee Afawerki ayaa ka wada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirka labada dal, Iskaashiga, fulinta heshiisyadii hore, isdhexgalka geeska iyo ka wada shaqeynta dhinac amaanka.

Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa xaqiijiyay in dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen madaxda labada Dal la isku afgartay ayna wada fulin doonaan.

Back to top button