Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo dalka ku soo laabtay, degdegna u booqday Xarunta la qarxiyey ee Degmada H/Wadaag

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaoya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay keddib ka qeybgalkii Madasha Shiinaha iyo Afrika ee Beijing iyo kulankii saddex geesoodka ahaa ee Asmara uu kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea Issias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Isla galabta booqday xarunta degmada Howlwadaag ee ay Alshabaab qarxiyeen dhowaan iyo Masaajidkii iyo Dugsigii ku dhowaa, isaga oo sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo ehelada dadkii ku dhintay qaraxaasi.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inaan lagu niyad jabin dhaqanka kooxdan wuxuushta ah oo lagu dhiso wixii naga burburay Ololaha Isxilqaan.

Close
Close