Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Shirka Golaha Wasiirada

Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka jeediyay Shirka Golaha Wasiirada oo uu maanta Shir guddoomiyay.

Posted by Villa Somalia on Thursday, October 18, 2018
Featured Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoomiyay Shirkii Golaha Wasiirrada Xukuumdda Maqal+ Muuqaal)

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira shaqooyinka ay qabtaan tubaha horumarinta arrimaha bulshada, Amniga iyo caddaaladda, siyaasadda loo dhanyahay iyo tubta horumarinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee u yaalla tubaha hawlaha lagu guulaystay qabashadooda.

Madaxwayne Farmaajo ayaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xukuumadiisa ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan isaga oo sheegay in wada shaqaynta wanaagsan ee madaxda qaranku ay sabab u tahay wanaajinta shaqada xukuumadda iyo taabba gelinta qorshaha qaranka.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo xukuumaddiisa kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed si guul looga gaaro fulinta qorshayaasha qaranka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media