FeaturedSomali News

Madaxweyne Farmaajo, oo khudbad ka horjeedinaya golaha Shacabka | Akhri Xogtan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in maanta uu khudbad ka horjeediyo golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaannada, ayaa lagu wargeliyay in madaxweynuhu hor iman doono golaha.

Sidoo kale waxaa maanta la hor geynayaa golaha ra’iisul wasaaraha magacaaban ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Ajendaha koowaad ee kulanka , ayaa lasheegay in uu yahay  hadal jeedinta Madaxweynaha, waxaana la filayaa in xildhibaanada uu ka codsado inay codkooda kalsoonida siiyaan raysal wasaaraha cusub ee dhawaan uu soo magacaabay.

Madaxwayne Farmaajo ayaa shalay madaxtooyada kulan wadajir ah kula qaatay guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka, waxaana la sheegay inuu kala hadlay laba qodob oo kala ah, ansixinta heshiiskii doorasho ee uu la galay madaxda dowlad goboleedyada iyo kalsooni siinta ra’iisul wasaaraha cusub ee uu dhawaan soo magacaabay.

 

Dhinaca kale madaxda maamul goboleedda, ayaa iyagun kullammo gaar gaar ah Muqdisho kula qaadanaya xildhibaannada laga soo doorto deegaannadooda si ay u meel mariyaan heshiiskii lagu gaaray shirkii doorashooyinka ee dalka.

 

Sikastaba ha ahaatee, labada arrin ee aadka isha loogu hayo, waa ansixinta raysal wasaaraha cusub iyo waxa uu baarlamanku ka yeelo heshiiskii 15-ka qodob ka koobnaa ee dhawaan ay gaareen madaxda maamul goboleeddada, gobolka Banaadir iyo  dawladda federaalka ah.

Back to top button