Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Maqal & Muuqaal Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo ku laabtay Muqdisho (Daawo Khudbadii uu ka jeediyey Magaalada Jubba)

Khudbadda Madaxweynaha ee Jubba

Khudbaddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u jeediyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jubba, South Sudan.

Posted by Villa Somalia on Thursday, November 1, 2018

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Galabta  dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka qeyb galay munaasabaddii dabaaldega heshiiska dhinacyada Koonfurta Suudaan oo ka dhacday magaalada Jubba.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Magaaladda Jubba ee Caasimada dalka South Sudan wuxuu la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi, isaggoo kala hadlay sida ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Suudaan , ayaa Jaaliyadda uga warbixiyey xaaladda dalka uu ku sugan yahay, isaggoo xusay  Gacansatada dalkaasi ku nool in dawladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonto siddii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo kor u qaadista dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa  inta aanu kasoo ambabixin Jubba, waxa uu kulan gaar ah uu la qaatay dhiggiisa dalkaas Mudane Salva Kiir Mayardit, waxaana ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo in dhidibada loo adkeeyo nabadgalyada guud Gobolka oo ah mid isku tolan.

HOOS KA DAAWO KHUDBADII MADAXWEYNE FARMAAJO U JEEDIYEY JAALIYADDA SOUTH SUDAN

Related posts

Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia oo ka dooday tira-koobka shaqaalaha & Deyn Cafinta

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo: “30-kii sano ee ugu dambeeyay Somaliya waxa lagu hayey faragelin toos ah, laakiin..” (DAAWO)

Wadani Media

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media