Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo magaalada Addis ababa uga qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka IGAD

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD ayaa ka dhacaya agaalada Addis Ababa, iyadoo markii ugu horeysay muddo dheer uu kasoo qeyb geli doono madaxweynaha dalka Eritrea oo dhowaan laga qaaday xayiradii IGAD saartay, waxaana looga hadli doonaa heshiiska dib loo habeeyay ee dhinacyada Koonfurta Suudaan.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay sidii loo dhamayn lahaa colaada mudada dheer u dhaxaysay wadamada dariska ah ee Jabuuti iyo Eriteria, iyadoo shalay lagu guulaystay in dib loo furo xadka labada dal oo xirnaa mudo 20-sano ah.

Tags
Back to top button
Close
Close