Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray Dhul Gariirka Turkiga

Madaxweynaba Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay dhulgariir xoog leh oo ku dhuftay dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal kooban oo uu ku daabacay barta Twitterka kaga tacsiyeeyay khasaaraha ka dhashay dhulgariirka ku dhuftay qryb ka mid ah dalkaas.

Dalalka Caalamka ayaa sidoo kale tacsi u diray dowladda Turkiga iyaga oo ka tacsiyeeyay khasaaraha ka dhashay dhulgariirka.

Ilaa hadda dadka dhintay waxa lagu sheegay lix qof, waxaa uu dhaawac soo gaaray 222 qof.

Hay’adda maareynta Musiibooyinka Turkiga ayaa sheegtay in  12 Dhismo oo dumay ay dad ku hoos jiraan iyada oo aan tiradooda la igeyn.

Dhulgariirka ayaa ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga.

Back to top button