Somali News

Madaxweyne Farmaajo shir degdeg isugu yeeray Madaxda is khilaafsan ee maamulka Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug si loo soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee madaxda maamulkaasi oo mar kale soo cusboonaaday.

Shirkan uu Madaxweynaha isugu yeeray madaxda Galmudug ayaa ka furmi doona Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24-ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoonayaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

“Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku khilaafsan Galmudug in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo wax u dhimi karta geeddi socodka wada hadallada iyo nabadeynta.

Tags
Close
Close