FeaturedSomali News

Madaxweyne Farmaajo: “Siyaasiyiinta xanaaqsan waxaan u sheegeynaa inuu waqtigoodii dhammaaday..”

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay  kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya, isagoo  uga warbixiyay xaaladaha uu dalku ku suganyahay xiligan, horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Jaaliyadda uga warbixiyay isbadallada ka jira Geeska Afrika iyo sidii shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan uga qeyb qaadan lahaayeen Barnaamijka Is-xilqaan ee ay Dowladdu dib ugu dhisayso xarumaha danta guud.

Kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Jaaliyadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya, siyaasiyiin iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan.

“Siyaasiyiinta xanaaqsan waxaan u sheegeynaa waqtigiina waa dhammaaday… ayaamo hore waxay wadeen inay yiraahdaan… dowladda amniga waa ku fashilantay… waa shaqeyn weyday… hadda waxay yiraahdeen: Nidaamkii Maaliyadda waa fashilmay…. dad badan oo shisheeya sida IMF iyo World Bank ayaa noo qiray inaan nahay dowlad nadiif ah.. waxay bilaabeen inay dhaqaale na siiyaan.. iyaguna waxay leeyihiin… maya waa inaan dhaqaale la siin… kuwaasi dadka shakiga gelinaya yey u daneynayaan..? wax kale maaha xanaaqii ayaa ka batay, qofku hadduu xanaaqu ka bato wuxuu u dhow yahay nooc waalli ah… ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo khudbad dheer u jeediyey jaaliyadda Soomaalida ee Kenya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qeyb-galay shirka caalamiga ee dhaqaalaha badaha ee ka socda halkaasi.

Image may contain: 8 people, suit Image may contain: 16 people, crowdImage may contain: 2 people, crowd and indoor

Image may contain: 1 person

Image may contain: 3 people, crowdImage may contain: 1 person, playing a musical instrument and guitarImage may contain: 3 people, suit

Tags

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Close