Wadani.com: Covering All Somali News. Views and Analysis
Featured Somali News

Madaxweyne Farmaajo: “Siyaasiyiinta xanaaqsanow shacabka ha Qalbi jebinina..” (Farriin ku soota Mucaaradka)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay siyaasiyiin uu sheegay inay xanaaqsan yihiin oo niyadjeb geliyay dadka, isla amrkaana sheega in la fashilmay.

Isagoo ka hadlayey xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho oo looga hadlayey Horumarinta Waxbarashada dalka ayuu yiri:  “Siyaasiga xanaaqsan waa kan dhaha ha nala dhexgalo, waa kan niyad jebiya shacabka, waxay ka hadlaan dalkaan waa burburay masoo noqonayo, waxay ka hadlaan waa nalaga adkaaday ciidamadeena tabar malaha, hadalkaasi dhaqankii Soomaali lagu yaqaanay mahan.

Mar uu ka hadlayey madaxweyne Farmaajo tilmaamaha siyaasiga xanaaqsan ayuu ku sheegay inuu yahay kan sababay dadka niyad jabka uu ku riday ee raba  inay is dhiibaan. “Qofka bani’aadankana markaa rajadii ka qaado waa dishay , dhimashaa dhaanta. siyaasiga xanaaqsanow shacabka ha naga qalbi jebinina, Siyaasiga xanaaqsanow dadka rajada ha ka qaadina”. ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda daahfurka barnaamijka dib u habaynta Waxbarashada Dadaweynaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dowladda in dib loo xoojiyo nidaamkii waxbarasho ee lacag la’aanta ahaa ee ka jiray dalka.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey kumannaan arday ah oo wax ka barata 24 Iskuul oo ku yaalla magaalada Muqdisho, ayna dhigtaan ku dhawaad 15-kun oo arday, iskuulladaas oo maanta si rasmi uga mid noqday nidaamka waxbarashada dawliga ah ee dalka.

“Waxbarashadu waa xuquuq aasaasi ah, qof walba oo caruurteenna ka mid ahna ay tahay in uu helo, waana waajib dastuurku na faraayo. Maanta awooddeeda Alle waa uu nasiiyay, waxaana ka shaqeynaynaa fulinta qorshaha ah in xuquuqda waxbarasho ee caruurta Soomaaliyeed aan dib usoo celino.”

Wasaaradda ayaa la wadaagtay Madaxweynaha nuqullo ka mid ah manhajka mideysan ee waxbarashada, waxa uuna kula dardaarmay khubarada Soomaaliyeed ee gacanta ku haysa manhajka ay xoogga saaraan kor u qadista wadaniyadda, isdhexgalka bulshada iyo kobcinta garaadka iyo garashada jiilasha soo kacaya.

Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku soo bandhigtay qorshaha tayeynta macalimiinta oo wajigiisa koowaad lagaga hirgelinayo Caasimadaha Dowladda Goboleedyada xarumo lagu tababaro macalimiinta oo noqonaya madal ay isku dhaafsadaan macalimiinta khibradahooda dhanka waxbarista, sarena loogu qaadayo xirfadahooda.

Image may contain: 13 people, people smiling, people sitting and indoor

Image may contain: 12 people, indoor

Image may contain: 26 people, people standing and indoorImage may contain: textImage may contain: 4 people, people smiling

Related posts

Ra’iisal wasaare Kheyre oo Warbixinta Qorshaha Deyn cafinta ka dhageysatay Wasaaradda Maaliyadda (Daawo)

Wadani Media

Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Somalia oo si kulul u beenisay in Korontadii laga goostay [Akhriso]

Wadani Media

Wasaaradda Warfaafinta: “Dab yar ayaa qabsaday keydka waxaana soo gaaray qasaaro yar” [Sawirro]

Wadani Media

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan aan caadi ahayn la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka (Sawirro)

Wadani Media

Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku saabsan Qaraxyadii Muqdisho siiyey Taliyeyaasha Ciidamada (Sawirro)

Wadani Media

Shirkadda Kenya Airways oo Duulimaad Maalinle ah ka bilaabeysa Garoonka Aden Adde ee Muqdisho

Wadani Media